|
|

|
|
wararkii ugu danbeeyay ee gobolada SSC
|
|
Xusuuso 26-ka June 49-Sano ka Dib . |
|
|
|
|
Written by Anas Xiir Xaaji Nuux
|
|
Friday, 26 June 2009 |
|
Iyadoo Soomaalidu ay caadi ahaan ahayd dad jecel dhaqdhaqaaqyada xoriyad doonka ee dalka ka jiray, ayaa haddana sanadkii 1960 waxaa sii xoogeystey dhaqdhaqaaqyada lagu doonayey xoriyada dalka.
Dhaqdhaqaaqaasi xoogiisa waxa uu ka socdey labada qeybood ee koonfurta iyo waqooyiga dalka. 26 June 1960 ayaa markii ugu horeysey waxaa suuragaley in dhul Soomaaliyeed oo xor ah laga dul taago calan Soomaaliyeed ka dib markii gumeystihii Ingiriiska uu ogolaadey in madax banaani uu siiyo Soomaalida waqooyi, waxayna taasi suuragashey saqdii dhexe ee habeenimadii 26 June 1960 iyadoo fagaaraha bartamaha magaalada Hargeysa markii ugu horeysey 12:00 saqdii dhexe ee habeenkaas 26 June loogu dabaal degey laguna saaray calankii Soomaaliyeed. waxay ahayd maalin taariikh weyn ku leh ummada Soomaalida, isl;a markaana ay gashey dhamaan Soomaalida dareen farxadeed oo sida ciida loogu dabaal degey soo dhoweynta calanka Soomaaliyeed ee markii ugu horeysey ciid Soomaaliyeed lagu dul arko. (SAREEYOW MA NUSQAAMOW, AAN SIDUU YAHAY EEGO,E KANA SIIB KANA SAAR)…..Tixahaasi gabaya ee Alle ha u naxariistee Abwaan C/laahi Suldaan Tima Cadde waxay ahayd aragti ay markaasi ka sinaayeen ummada Soomaalida kuwooda halgan xoriyada u soo dhibtooday iyo kywa laabta ka taageersanaa ee hiil iyo hooba ku bixiyey sidii mar uun neecawda xoriyada ay dul mari lahayd geyiga Soomaalida. Xafladii weyneyd ee habeenkii 26 June 1960 loogu dabaal degey xoriyada waqooyiga dalka waxay daliil cad u ahayd sida ay dadka Soomaalida ugu farxeen xoriyada, taasi oo sida nabar ku taagnaa uu uga baxay warankii gumeystaha ee ummada Soomaalida cabiidiyey. Guusha ay Soomaalida ka gaartey hanashada xoriyada waxay soo martey halgan dheer oo ay u soo dhabar adegygeen halgamayaasha Soomaalida oo ay ugu cadcadaayeen markaasi 123 dhalinyarada ee xisbigii SYL,waxaana sidoo kale aan la ilaawi kan hawlgamadii kale ee ay soo wada mareen hawlgamayaashii kale sida Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Axmed Gurey, Xaawo Taako iyo kowo kale oo xusuus dheer ku leh taariikhda dalka. Gobolada koonfurta waxay weli ku sii jireen gacanta gumeystaha Talyaaniga oo markaasi maamulayey, hase yeeshee maalmo kama soo wareegin markii gumeystihii Talyaanigu uu isaguna wareejiyey maamulkii koonfurta dalka oo ku aadanayd 1-da Luulyo 1960 oo 4 maalmood oo kaliya ka dambeysey markii dabeysha xoriyada ay soo hafisey dadweynaha ku nool waqooyiga dalka. Isla maalintaasi 1-da Luulyo 1960 waxaa loo dabaal degey midowga labada gobol ee waqooyiga iyo koonfurta. Isku darsanka labada gobol ee waqooyiga iyo koonfurta waxay ahayd fikrad ka timid siyaasiyiinta waqooyiga oo iyagoo calankii wada ay tageen Muqdisho, waxaa markii ugu horeysey halkaasi lagu dhisey dowlad Soomaaliyeed oo xor ah waxaana madaxweyne ka noqday Alle ha u naxariistee Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde) iyadoo r/wasaarihii ugu horeeyey uu ahaa C/rashiid Cali Sharmarke, dhismahaasi dowlada waxa uu aas aaska u dhigey nidaamkii dowladeed ee ka hirgaley Soomaaliya. Adan Cabdulle Cismaan waxa uu markii uu talada u qabtay dowlad Soomaliyeed oo xor ah uu ku dhaqaaqay qorshe lagu horumarinayo dalka maadaama uu gumeysi ka soo baxay oo aaney jirin dad aqoon u leh hawlaha maamulka, waxaana uu qorshahaasi ku sheegay hadalkii ugu horeeyey ee uu bixiyey. Guud ahaan dowladihii Soomaaliyeed waxay ku dadaaleen inay bulshada kala dagaalamaan jahliga iyo qabyaalada oo loo arkay inay ahaayeen wax ugu weyn ee midnimada dadka kala burburin kara, waxaana si aad ah ay Soomaalidu u noqotey mid dhinac u wada jeedsata.
Waxaa dalku soo maray dagaalo ay Soomaalidu la gashey deriskeeda Ethiopia, waxaase taasi Somaalida uga darnaatey burburka ku dhacay qaranimada guud ee dalka oo haatan mudo 19 sano ka dib weli ay suuroobi la” dahay nabadgelyo waarta oo ay helaan bulshada Soomaalida, taasi oo maanta dareenkii wadaniyada ku rogtey boor aan laga dhex arki Karin. Allcayn news |
|
Last Updated ( Saturday, 27 June 2009 )
|
|