Dhismihii Masaajidka Galgal oo Gabo Gabo Kudhaw.
safar iyo socdaal dheer oo aanu kaga anba baxnay magaalada Buuhoodle kadib ayaa waxaanu gaadhnay deegaanka galgal oo socdalkayagu ku salaysnaa markii aanu gaadhnay deegaanka galgal ayaa waxaanu guda galnay booqashayadii anagoo tagnay xarumo dhawr ah oo ay kamid yihiin dhismaha masaajidka galgal oo sitoos ah haatan usoconayay.
Baliga galgal ayaa waxuu kamid yahay Deegaamada qadiimiga ah ee xiliyadii hore ay dadwaynaha reer guuraaga ah dagi jireen xiliga barwaaqada iyadoo ay xiliyadii danbe ee ay samaysmeen magaalooyinka waawayn dadku ay ka kala guureen, inkasta oo haatan bulshada deegaamadani ay dib ufahmeen muhiimada Baliga Galgal iyadoo ay haatan deegaamayntu si toosa uga socoto.
ugu horayn waxaanu tagnay dhismaha masaajidka galgal oo haatan sitoos ah usoconaya waxaanuna waxka waydiinay meesha uu marayo masaajidku qaar kamid hawl wadeenada gacanta kuhaya dhismaha masaajidkan iyagoo iisheegay inuu mudo badan soo jiitamayay dhismaha masaajidku sababao dhaqaale daei aawadood haatana uu gabo gabo ku dhawyahay.
intaasi kadib waxaanu sii gudo galnay booqashadayadii anagoo dhanka kale soo indha indhaynay dooxada Galgal iyo ceelasha biyaha oo dooga iyo dureemadu ay qariyeen dhamaantood, dooxadaasi oo ah dhul bilicsan kuna haboon dalxiiska iyo daawashada anagoo mudo saacado ah ku dhexjirnay daawashada Dooxada Galgal.
lama soo koobi karayo faa,iidooyinka Baliga Galgal, oo ah meel ku haboon nolosha aadamiga iyo dhaqashada xoolaha intaba, iyadoo ay dadwayne fara badani uqaxeen Deegaanka Galgal mudadii koobnayd ee ay xiisadaha colaadeed kataagnaayeen magaalooyinka Buuhoodle iyo widhwidh iyagoo dadwaynuhu ku doorbidayay biyaha iyo dooga dooxada Galgal oo ah meel ku haboon nolosha aadamaha.
Hadaba Cidii doonaysa in ay gacan ka geysato dhismaha masaajidka Galgal ha la soo xidhiidhaan:
Ibrahim Ahmed Musse-Qaadiriye : 0031-634204888
Asia Frah Hassan: 0049-15776541804
C/raxmaan Soomaali
Buuhoodle SSC.
Last Updated (Saturday, 19 June 2010 23:01)
Alshabaab iyo Ahlusuna Oo ku dagaalamay deegaanka tirsan gobolka Hiiraan
Xarakada Shabaab ayaa sheegatay inay qaaday weerarada qaraxyada ee ka dhacay magaalada Kampala ee waddanka Uganda, oo ay ku dhinteen in ka badan toddobaatan qof.

04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
Madaxweyne Sheikh Shariif Oo Kusii jeeda dalka Masar




