Darwiishland
darwiishlan ninkii diidan waa dabad calool wayne
dalka iyo dadkana uma dhalan durufka shaydaane
sida doqonka ina cali shire yuu ducfiyayaaye
imikuu duleed reera kale dawarsanaayaaye
dadow maqal damiinimada waa lagu dufoobaaye
dulibaa shirshooriyo ku dhacay duunki habarwaaye
damac iyo dilaal waa wixii dilay ogaadeene
kadanayte iidoor xaqbaa laysku dilayaaye
waxa loogu duur xulay fuluus doolar lacageede
dadyaraan macna lahayn haduu dawlad irir sheegtay
adiguba dalwaad leedahee dawladnimo sheego
daarood habuudbuu noqday doorka maanta ahe
dadka niman isaaq iyo ka dhalan doxorka iidoora
dacwadiisa lama eego iyo doodu leeyahaye
ana daayey haasaawihii dayrta maanta ahe
duruqaaga iyo faanka yey nagu dilaayaane
anigaa dalkiinii hantiyey waa dacwiyayaane
anaa dawladiinii ah waa lagama daalaane
dadku jaanta waw tumahayaa dir iyo daaroode
dalku waa isaaqlan haday doodu ku idlaatay
darwiishlan ninkii diidanow dan iyo yeelkaaga
dhulbahantow dirays iyo askari haw dunuunicine
duleed reer intaad eegayseen yaad dayacanteene
ducfinimadu waa waxad arlada ugu duloowdeene
dab inaad lahaydeen ma oga dir iyo daaroode
ilaahbaa ka deday uumiyaha derajadiiniiye
waakaa damaaciyey isaaq degaladiiniiye
garbaduub waxaa kuu haya kii dirkuu xigaye
midida daabka adigaa haya dayrta maanta ahe
adigaa isdilayee is daa waad dayacanteene
nin walaalki dilay ilaah daraja siinwaaye
majeerteen dantuu kaa lahaa gaadhyey damaciiye
aduunbaa duljoogee isagu kuuma diirnaxo e
dawlada iskaashaday noqdeen labadi daaduune
dirays qudha inay leeyihiin waa daliil runahe
dabka xaabadaa lagu shitaa duraha jiilaale
idinkaa dubaaxdii noqdiyo daribti tuurayde
duulaanki eedawyey iyo dacarti aasnayde
dilaalbay butlan noqotay iyo dux iyo dheefdoone
dalkana waa laka iibsaday doqoni yeelkeede
darwiishlan ninkii diidanow dan iyo yeelkiisa
Alshabaab iyo Ahlusuna Oo ku dagaalamay deegaanka tirsan gobolka Hiiraan
Xarakada Shabaab ayaa sheegatay inay qaaday weerarada qaraxyada ee ka dhacay magaalada Kampala ee waddanka Uganda, oo ay ku dhinteen in ka badan toddobaatan qof.

04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
Madaxweyne Sheikh Shariif Oo Kusii jeeda dalka Masar




