budhcad faroole
Ilaa xiligii la samaynayey Puntland Madaxweynaha hada xilka hayaa wuxuu ahaa Gudoomiyihii Gobolka Nugaal wuxuuna ka mid ahaa Gudigii loo xilsaaray dastuurka markii la samaynayey Puntland,hase ahaatee Ilo goob joog ahaa ayaa sheegay in Cabbdiraxmaan Faroole iyo labo nin oo kale oo ka mid ahaa SSDF oo hada magacyadooda aanan sheegeen sababtoo ah wax xil ah kama hayaan Puntland ayaa aad u diidanaa in waxaan Beeshooda ahayn ayna ka soo qayb geli karin Maamulka loo samaynayo Degaanada hada la yiraahdo Puntland.
Dood weyn ka dib waxa laga xoog roonaaday kuwii watay fikirka Faroole wax yar ka dibna isaga oo xanaaqsan ayuu ka dhoofay Dalka isaga oo aaday Austaraaliya
Cabdiraxmaan Faroole wuxuu soo laabtay Shirkii Jabuuti lagu qabanaayeyee Carta kaas oo Madaxwaynihii Puntland xiligaas iyo shacabka reer Puntland intooda badani ay ka soo hor jeedeen ,wuxuuna halkaa ka sheegay Faroole hadal uu ku aflagaadeenayey Madaxweynaha Xiligaa Xukunka hayey Cabdulaahi Yuusuf isaga oo ku sheegay inuu yahay Cabdulaahi yuusug Dhiigyo cab, hase ahaatee waa ku guul daraystay ololihii uu watay waxaana uga xoog roonaaday Xasan Abshir oo ay isku Beel yihiin sidaas awgeed mar labaad ayuu Ustaraaliya ku laabtay.
Wada hadal dheer iyo dib u heshiisiin ayaa waxa dalka ku soo ceshay Cabdulaahi Yuusuf kana dhigay Wasiirka Maaliyada sidii caadadu ahayd wuxuu bilaabay kala qaybin iyo in uu Madaxweynihii xiligaa xukunka hayey Maxamed Cabdi Xaashi oo ka soo jeedaya Beelihii uu diidanaa in markii horeba ka mid noqdaan Puntland ayaa si cad ugu sheegay Madaxweyne Maxamed Cabdi Xaashi in Garoowe tahay goofkiisa wuxuu doonana uu ka samayn karo waana la ogaa wuxuu ka smaeeyey iyo in uu Baarlamaanka dagaal ka riday.
Ugu danbayntii Madaxweynaha xukunka haya iyo Ubadkiisa boobka u yimid Puntland ayaa waxay noqdeen kuwo ka yaabiyeySoomaalida Puntland ka dib markii shirki looga hadlaayey Budhcad badeeda ay uga soo qayb galeen Puntland Madaxweynaha Puntland, labadiisa Wiil oo kala watay derejada ah la taliyaha Madaxweynaha arimaha dhaqaalaha iyo arimaha warfaafinta wax kale waftiga weheliyey wasiirka Maaliyada oo sadexdan Qof oo hore ay isku Dal ka yimaadeen Ustaraaliya iyada oo meesha uuna joogin lagana sugaayey Shirka madaxii la dagaalanka Budhcad badeeda Puntland iyo Wasiiro ka mid ahaa Xukuumada oo waqti badan siiyey si uu u hirgalo shirakani Wadamo badana u tegay.
Ujeedada Puntland uu ka leeyahay Dr Faroole waa mid Cad waana sida uu lacag uga urursan lahaa waana sababta uu u kaxaystay Wasiirka Maaliyada oo haba yaraatee meelna ka soo gelin la dagaalanka Budhcad badeeda, sidoo kale haduu jiri lahaa Baarlamaan Xalaal ah oo Dadka metela waa danbiile Mdaxweynaha Faroole sababtoo ah Madaxweyne ka aamusay dadkiisa oo la xasuuqayo laguna soo duulay degaano uu ka taliyo waa qodobada ugu horeeya oo Madaxweyne xilka looga qaado
Alshabaab iyo Ahlusuna Oo ku dagaalamay deegaanka tirsan gobolka Hiiraan
Xarakada Shabaab ayaa sheegatay inay qaaday weerarada qaraxyada ee ka dhacay magaalada Kampala ee waddanka Uganda, oo ay ku dhinteen in ka badan toddobaatan qof.

04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
Madaxweyne Sheikh Shariif Oo Kusii jeeda dalka Masar




