"Waxa fashiliyey dawladeeda waa kooxdi an ka tirsanaa ee ARS oo dawladnimada aan u busleyn"Shariif Shiikh
Madaxweynaha Soomaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa wareysi uu siiyey idaacada BBC-da waxaa uu kaga hadlay arimo badan oo xaalada dalka ku saabsan
Madaxweynaha oo su’aalihi ugu horeeyey lagu weydiiyey wararka isa soo taraya eek u aadan in ciidamada Itoobiya ay soo laabanyaan ayuu warkaas ku tilmaamay mid aan aheyn sida loo dhigayo laakin ay jiri doonto taagero ay ka heli doonaan.
Shariif oo ka hadlayey waxyaabaha fashiliyey dawladiisa ayaa sheegaya in kooxdiisi cimaamadaha watay ee ARS aysan u bisleyn dawladnimada iyo nidaamka sidaasna ay uga faa;ideysteen kooxaha mucaaradka.
“Waxaad ogtahay waqtigaan galinay kooxaha mucaaradka iney nabada nala qaataan laakin waa dhici weysay .
Dhinaca kale waxaa uu sheegay in shirkii IGAD ee uu dhawaan tagay looga hadlay qatarta argagaxisada Soomaliya ku heyso , waxaana uu sheegay in argagaxisada ay meel walba tagayaan hadii aan la xakameyn qulqulkooda Soomaliya.
Allcayn.com
SSC Somalai
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
Alshabaab iyo Ahlusuna Oo ku dagaalamay deegaanka tirsan gobolka Hiiraan
Xarakada Shabaab ayaa sheegatay inay qaaday weerarada qaraxyada ee ka dhacay magaalada Kampala ee waddanka Uganda, oo ay ku dhinteen in ka badan toddobaatan qof.

04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
Madaxweyne Sheikh Shariif Oo Kusii jeeda dalka Masar




