Xulka Jarmalka oo Xejistay kaalinta 3-aad
Xulka Jarmalka ayaa maanta xaqiiqsaday kaalinta sadexaad ee ciyaaraha Koobka Aduunka kadib markii ay wada ciyaareen xulka Uruguay oo ay kaga badiyeen 3-2.
Ciyaartan oo ka dhacday garoonka Nelson Mandela Bay Stadium ee magaalada Port Elizabeth, South Africa ayaa waxaa goob-joog ahaa oo daawanayay madax kala duwan oo ay ka mid yihiin madaxweynaha dalkaasi K/Afrika Jacob Zuma, m/weynaha cusub ee Jarmalka Christian Wulff iyo m/weynaha FIFA Joseph Sepp Blatter .
Madaxdaasi ayaa garoonka ku gudoonsiiyay xulka Jarmalka biladihii kaalinta 3-aad ee loogu talo galay.
Dhanka kale ciyaarta Finalka ee Koobka Aduunka ayaa la ciyaari doonaa maalinta Axada ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 11/07/10 (berito), waxaana isaga hor imaanaya xulalka Spain iyo Holland.
FIIRO GAAR AH: Faah-faahinta ciyaarta finalka oo sawiro wadata kala soco shabakadda warbaahinta ee Allcayn.com
Alshabaab iyo Ahlusuna Oo ku dagaalamay deegaanka tirsan gobolka Hiiraan
Xarakada Shabaab ayaa sheegatay inay qaaday weerarada qaraxyada ee ka dhacay magaalada Kampala ee waddanka Uganda, oo ay ku dhinteen in ka badan toddobaatan qof.

04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
Madaxweyne Sheikh Shariif Oo Kusii jeeda dalka Masar




