Xiligii Mudanayaasha Barlamanku u qabteen Xukuumada KMG ah inay hortimaado Barlamanka oo maanta kama dambays ah
Maanta ayaa waxay tahay xiligii kama dambaysta ahaa ee Mudanayaasha Barlamanku u qabteen in Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya ay hortimaado Golaha Barlamanka si ay kalsooni u weydiisato.
Mudanayaasha Barlamanka qaarkood ayaa ka hadlay Waqtiga loo qabtay Xukuumadda KMG ah oo manta ku eg, waxaana laga doonayaa Xukuumadda inay soo horjoogsato Baarlamaanka Soomaaliya siay kalsooni u weydiisato Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaan Cali Max’uud Faarax Seeko oo ka mid ah xildhibaanada Barlamanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in wax lala yaabo tahay in wasiiro aan kalsooni haysan ay xilal isku wareejiyaan, wuxuuna sheegay in xukuumadii hore aysan waxba qaban.
Sidoo kale Xildhibaanka waxa uu sheegay in shanta maalmood ee loo qabtay Xukuumada KMG ah inay ku hortimaado Barlamanka ay maanta ku egtahay, islamarkaana ay jawaab ka sugayaan gudoomiyaha Barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Alshabaab iyo Ahlusuna Oo ku dagaalamay deegaanka tirsan gobolka Hiiraan
Xarakada Shabaab ayaa sheegatay inay qaaday weerarada qaraxyada ee ka dhacay magaalada Kampala ee waddanka Uganda, oo ay ku dhinteen in ka badan toddobaatan qof.

04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
Madaxweyne Sheikh Shariif Oo Kusii jeeda dalka Masar




