Hogaamiyaasha Alshabaab iyo Xisbul Islaam oo kulan qarsoodi ah Muqdisho ku yeeshay (Xog muhiim ah)
Hoggaamiyeyaha Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr iyo Hoggaamiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa Jimcihii kulan qarsoodi ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho, waxaana kulankooda ay kaga hadleen sidii ay u midoobi lahaayeen
Saraakiil ka tirsan labadan dhinac ayaa u xaqiijiyay saxaafadda in kulankaas uu ka dhacay Muqdisho, ayna labada mas'uul ku gaareen heshiis kama dambeys ah oo ay ku mideynayaan xoogaggooda si ay dagaal ugu qaadaan Dowladda iyo AMISOM.
"Labada hoggaamiye... waxay kulmeen Jimcihii waxayna ka doodeen sidii ay u mideyn lahaayeen xooggaggooda dagaal wadajir ahna ugu qaadi lahaayeen Dowladda Soomaaliya" ayuu sarkaal ka tirsan Xarrakatul Shabaab u sheegay AFP, kaasoo codsaday inaan magaciisa la sheegin.
Ururka Xisbul Islaam iyo Xarrakatul Shabaab ayaa waxay dagaal kula jiraan AMISOM iyo Dowladda Soomaaliya, waxaana ay gacanta ku hayaan inta badan Gobollada dalka Soomaaliya iyo Magaalada Muqdisho.
"Sheekh Xasan Daahir iyo Sheekh Abuu-Zubeyr waxay gaareen heshiiskoodii ugu dambeeyay, waxayna maalmaha soo socda qaadi doonaan dagaal ay cadowga Alle uga saaraan dalka Soomaaliya" ayuu yiri sarkaalka ka tisran Xarrakatul Shabaab.
Mas'uul ka tirsan Ururka Xisbul Islaam ayaa isaguna sheegay inuu kulan dhexmaray Sheekh Xasan Daahir iyo Sheekh C/raxmaan Abuu-Zubeyr, iyadoo kulanka labadan mas'uul uu imaanayo xilli ay IGAD ku baaqday inay askar xoojin u dirto Soomaaliya.
"Hoggaamiyeyaashu waxay yeesheen kulan, waxayna isku raaceen inay iska kaashadaan sidii ay cadowga dalka uga saari lahaayeen" ayuu yiri Sheekh Maxamed Ibraahim oo ka mid ah saraakiisha Xisbul Islaam.
Sarkaal ka tirsan Islaamiyiinta oo diiday in magaciisa saxaafaddu xigato ayaa sheegay in kulanka ay ka qaybgaleen dagaalyahanno Ajnabi ah, kuwaasoo ku boorriyay labada hoggaamiye inay mideeyaan awooddooda iyo dagaalka ay uga soo horjeedaan Ciidamada Amisom iyo Dowladda Soomaaliya.
Alshabaab iyo Ahlusuna Oo ku dagaalamay deegaanka tirsan gobolka Hiiraan
Xarakada Shabaab ayaa sheegatay inay qaaday weerarada qaraxyada ee ka dhacay magaalada Kampala ee waddanka Uganda, oo ay ku dhinteen in ka badan toddobaatan qof.

04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
Madaxweyne Sheikh Shariif Oo Kusii jeeda dalka Masar




