wararkii ugu dambeyey

       Alshabaab iyo Ahlusuna Oo ku dagaalamay deegaanka tirsan gobolka Hiiraan

Read more

Ugaandha Kampala

     Xarakada Shabaab ayaa sheegatay inay qaaday weerarada qaraxyada ee ka dhacay magaalada Kampala ee waddanka Uganda, oo ay ku dhinteen in ka badan toddobaatan qof.

Read More....

Feed Display
No Feed URL specified.
Page-ka Abdi Bile
Cadadka booqashada

Adigu waxaad

tahay Booqde
nr

Banner

Xarakada Shabaab ayaa sheegatay inay qaaday weerarada qaraxyada ee ka dhacay magaalada Kampala ee waddanka Uganda, oo ay ku dhinteen in ka badan toddobaatan qof.

User Rating: / 0
PoorBest 

War ay ka soo saareen magaalada Muqdisho, ayaa Afhayeenka Shabaab uu sheegay in kooxdoodu weerar ku qaadeyso cadawgooda meel walba oo uu joogo.

Saraakiisha Uganda ayaa sheegay in qaraxyada ay uga shakiyeen Shabaab inay ka danbeysay.

Qaraxyada ayaa dhacay iyadoo dadku daawanayeen cayaarta kama dambeysta ah ee Koobka Adduunka.

Dad goob joogayaal ahaa ayaa ka warramay in kuraasta dhiig dhiiggu aslay iyo baabuur laga cararay ay goobt buuxeen.

Jawaabta Uganda

Dowladda Uganda oo ka jawaabeysay joogitaanka ciidamadeeda ee Soomaaliya, waxa ay sheegtay in aanay dib uga fiirsaneyn, oo ciidamadeeda ay sii joogayaan Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha ee Uganda, (Matia Kasaija,) ayaa sheegay in Uganda ay ka dhabayneyso balanqaadkeedii ahaa inay kordhineyso ciidamadeeda ka jooga magaalada Muqdisho.

Booliiska Uganda ayaa sheegay inay ka heleen meydka laba qof oo Soomaali ah goobta qaraxa, oo ay uga shakisan yihiin inay ahaayeen dad isku qarxiyay halkaasi.

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama, ayaa sheegay in qaraxyda Kampala ay ahaayeen kuwo fuleynimo.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in Mareykanka ay bixinayaan taageero walba oo ay uga baahan tahay dowladda Uganda/

Wasiirka arrimaha dibedda ee Britain, William Hague ayaa ku tilmaamay weerarka mid naxariis darro ah.

Hanjabaadda Shabaab

Shabaab ayaa toddobaadkii hore ku hanjabtay in shacabka Uganda iyo Burundi ay uga aargoyn doonaan waxa ay ku tilmaameen xasuuqa ay ciidammada dalalkaasi ku hayaan shacabka Muqdisho.

Isniintii 5-ta July ayay ahayd, markii Cabdi Axmed Aw Maxamuud Godane, oo loo yaqaan Abu Zubeyr, uu faafiyay hadal isugu jira hanjabaad, xigasho diineed iyo suugaan Soomaali hadalkaas oo macnahiisu ahaa hanjbaad toos ah oo ku wajahan Uganda iyo Burundi.

Isaga oo shacabka labadaas dal toos ula hadlaya, Abu Zubeyr wuxuu sheegay, in Soomaalida ay Muqdisho ku dileen Uganda iyo Burundi looga arrgudi doono shacabka Uganda iyo Burundi.

Makhaayadda la qarxiyay waxay ahayd makhaayad Ethiopian ah.

Map 
 
G, jamac.Dooha Qadar

     Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Oo Doha Qatar Lagu Soo Dhaweeyey.

Daawo Sawiradda

M sheekh shariif

     Madaxweyne Sheikh Shariif Oo Kusii jeeda dalka Masar

Read More..........

Last news SSC

   

Hogaanka SSC oo magacaabay Xisaabiye, Khasnaji Cusub Xilkiina ka qaaday Taliyihii Ciidanka.

Read More......

hamabalyo Hambalyo Dhalasho
Abwaan C/casiis Axmed Faarax

Halkan kala soco Abwaanka
Cusub ee reer Buuhoodle
C/siis Axmed Faarax

gabaydiisiina waa ku wan.

Darwiishland

Magacba ay 

XAABSADE

PUNTLAND

Somali Radio

BBC