Hogaanka SSC oo magacaabay Xisaabiye, Khasnaji Cusub Xilkiina ka qaaday Taliyihii Ciidanka
Buuhoodle(Allcayn.com)Hogaanka Midnimada iyo badbaadada SSC ayaa balaadhiyey Xubnaha maaliyada ee maamulaka SSC waxaa Khasnajiga loo magaacabay Bashiir Cismaan Cabdi Xaashi oo isagu ka mid ah qurbo joogta. Sidoo kale waxaa xisaabiyahana loo magacabaay Axmed Guray Beerdoon...
magacaabista labadan xubnood ayaa hogaamiyuhu sheegay in xiligii ku haboonaa ay timi,xubnahan ayaa wada shaqayn doonan Mudane Mohamed Hassan Buraale oo ah Hanti dhawraha Guud iyo Dr Cisman Xaji Cali oo ka dhinaca Maaliyada u qaabilsan Golaha Khusuusta. Sidoo kale waxaa Xilkii laga qaaday Taliyihii Ciidanka SSC Maxamed Mire Cali kadib markii uu halgaladiisii uu ka soo bixi waayey,ilaa iyo hada Taliye cusub ayaa laga dhawrayaa Hogaanka SSC ee fadhigoodu yahay magaalada Buuhoodle.
Allcayn.com
SSC somalia
Alshabaab iyo Ahlusuna Oo ku dagaalamay deegaanka tirsan gobolka Hiiraan
Xarakada Shabaab ayaa sheegatay inay qaaday weerarada qaraxyada ee ka dhacay magaalada Kampala ee waddanka Uganda, oo ay ku dhinteen in ka badan toddobaatan qof.

04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
Madaxweyne Sheikh Shariif Oo Kusii jeeda dalka Masar




