Xildhibaan Max'uud Nuur Tarzan ayaa Maanta loo caleemo saaray in uu noqdo Gudoomiyaha G,Banaadir
Xaflad Balaaran oo lagu caleemo saarayay Gudoomiyaha Cusub ee Maamulka goboka
Banaadir ee dowladda KMG Soomaaliya Xildhibaan Max’uud Nuur Tarzan ayaa Maanta
ka dhacday Xarunta gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Xafladaani oo aheeyd mid si heersaro ah loo soo
agaasimay islamarkaana xilalka ay ku kala wareegayeen gudoomiyihii hore ee
gobolak Banaadir C/risaaq Max’ed Nuur (Ing Nuune) iyo gudoomiyaha ee uu
yeelanayo gobolka Banaadir Max’uud Max’ed Nuur Tarzan oo wareegta ka soo baxday
Xafiiska madaxweynaha loogu magacaabay xilkaasi ayaa maanta waxaa ay ka dhacdey
Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.
Munaasabadaani ayaa waxa ka soo qeyb galay xubno wasiiro
ah oo uu ka mid yahay Wasiirka arimaha gudaha C/qaadir Cali Cumar, Wasiirka
Warfaafinta C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow, xubno ka tirsan Barlamanka KMG
Soomaaliya, gudoomiyayaasha 16-ka degmo iyo saraakiisha ciidanka qalabka sida ee
dowladda KMG Soomaaliya.
Xafladaasi xil wareejinta ah ayaa waxaa lagu soo
bandhigay waxqabadkii uu ka sameeyay intuu uu xilka hayay gudoomiyihii gobolka
Banaadir C/risaaq Max’ed Nuur iyadoona ay jireen sidoo kale dhaliilo loo
jeediyay waxqabadkii Maamulka gobolka Banaadir.
Ugu horeyn munaasabadaasi waxaa qudbad ka jeediyay
gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir C/risaaq Max’ed Nuur (Ing. Nuune) waxaana
uu sheegay in intii uu xilka hayay inay u suura galeen waxyaabo badan isagoo
carabka ku dhiftay in sidoo kale ay jireen waxyaabo aan u suura galin, isagoo
balan qaaday in uu garab weyn siin doono gudoomiyaha cusub ee gobolka
Banaadir.
Dhinaca kale munaasabadaasi ayaa waxaa qudbad dheer oo
dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir
Xildhibaan Max’uud Max’ed Tazan, waxaana uu balan qaaday in uu wax weyn ka
badali doono amaanka 16-ka degmo ee gobolka, isagoo shaaca ka qaaday in si deg
deg ah ugu soo celin doonaan bilicdii ay laheyd magaalada
Muqdisho.
Munaasabadaasi ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Wasiirka
arimaha gudaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh C/qaadir Cali Cumar kaasi oo ku
dhaaraadey dhibataooyinkaka jira magaalada Muqdisho, waxuuna ka codsaday
Maamulka cusub ee gobolka inay wax ka qabtaan xaaladda sii xumaaneysa ee ka
taagan Magaalada Muqdisho, waxaana uu wasiirku dhiniciisa balan qaaday in wixii
karaankiisa ah uu ku taageeri doono maamulka cusub ee gobolka
Banaadir.
Isagoo hadalkiisa sii wata wasiirka arimaha gudaha ayaa
waxaa uu soo hadal qaaday qaraxyadii dadka badani ay ku geeriyoodeen ee ka
dhacay Magalada Kampala ee dalka Uganda isagoo halkaasi ka sheegay erayo u
muuqday kuwa uu ku weerarayo xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda dowladda KMG,
waxaana uu shacabka ugu baaqay inay meel uga soo wada jeestaan dad uu ku
tilmaamay inay ku soo duuleen dalka Soomaaliya.
Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir C/risaaq Max’ed
Nuur (ing. Nuune) ayaa xilka gudoomiyenimo loo magacaabay 11-ka bisha 6-aad ee
2009-ka iyadoona Gudoomiyahaan cusub ee uu yeelanayo gobolka Banaadir uu
noqonaya gudoomiyihii labaad ee uu gobolka Banaadir u magacaabo Madaxweynaha
dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed
Allcayn.com
SSC Somalia
Alshabaab iyo Ahlusuna Oo ku dagaalamay deegaanka tirsan gobolka Hiiraan
Xarakada Shabaab ayaa sheegatay inay qaaday weerarada qaraxyada ee ka dhacay magaalada Kampala ee waddanka Uganda, oo ay ku dhinteen in ka badan toddobaatan qof.

04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
Madaxweyne Sheikh Shariif Oo Kusii jeeda dalka Masar




