Madaxweyne Sheikh Shariif Oo Kusii jeeda dalka Masar
Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ka ambabaxay magaaladda Muqdisho ayaa gaaray magaaladda Nairobi ee caasimada Kenya isagoo kusii jeeda dalka Masar.
Habeenimadii xalay wuxuu magaaladda Nairobi kula kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Shariif Xassan Sheikh Aadan iyo diblomaasiyin caalami ah.
Labada masuul ee Sheikh Shariif iyo Shariif Xassan ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahayd kulan dhowaan ka dhacay magaaladda Addis Ababa ee caasimada Itoobiya oo ay yeesheen Baarlamaanada wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD.
Sidoo kale Madaxweynaha wuxuu kulamo la qaatay diblomaasiyin dhowr ah oo ka socday Safaarado ku yaalla magaaladda Nairobi oo uga warbixiyey xaaladda iminka ku sugantahay Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa lagu wada inuu ka dego garoonka diyaaradaha ee magaaladda Qaahira halkaas oo u dhowaan gaaray Wasiirka arrimaha dibadda Yuusuf Dheeg
Allcayn.com
jaamac Buraale
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
Alshabaab iyo Ahlusuna Oo ku dagaalamay deegaanka tirsan gobolka Hiiraan
Xarakada Shabaab ayaa sheegatay inay qaaday weerarada qaraxyada ee ka dhacay magaalada Kampala ee waddanka Uganda, oo ay ku dhinteen in ka badan toddobaatan qof.

04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
Madaxweyne Sheikh Shariif Oo Kusii jeeda dalka Masar




