wararkii ugu dambeyey

       Alshabaab iyo Ahlusuna Oo ku dagaalamay deegaanka tirsan gobolka Hiiraan

Read more

Ugaandha Kampala

     Xarakada Shabaab ayaa sheegatay inay qaaday weerarada qaraxyada ee ka dhacay magaalada Kampala ee waddanka Uganda, oo ay ku dhinteen in ka badan toddobaatan qof.

Read More....

Feed Display
No Feed URL specified.
Page-ka Abdi Bile
Cadadka booqashada

Adigu waxaad

tahay Booqde
nr

Banner

Xaalada Degmada Widhwidh Oo Caawa Xasiloon & Gurmad badan oo soo gaadhay ciidamada SSC

User Rating: / 17
PoorBest 

Waxaa caawa degan xaalada magaalada Widhwidh ka dib markii maanta halkaas dagaal culus ka dhacay. Ciidamada SSC ee Xaq u dirirka ah iyo maleeshiyaadka SNM ayaa isku horfadhiya agagaarka magaalada Widhwidh.

 

hasaaraha dhabta ah ayaan ilaa hada si rasmi ah loo xaqiijin, waxaase warar lagu kalsoon yahay sheegayaan in maleeshiyaadka SNMta laga diley 6 askari oo midi yahay sarkaal ka soo jeeda Oodweyne. Dhanka SSC ayaa la sheegay in uu hal askari ka shahiidey inkastoo aysan jirin cid si rasmi ah u xaqiijisey.

Waxaana adag in la helo Khasaaraha dhabata ah ee dagaalkaasi gaystey ka dib markii Shirkada telesom jartay gebi ahaan isgaadhsiin deegaankaasi. Shirkada isgaadhsiinta ee Telesom wax warbixin ah kama aysan soo saarin sababta ay u demisey isgaadhsiinteeda. Aayadoo aalaaba marka xaalad noocan oo kale ah ay timaado hawada ka saarta isgaadhsiinta deeganada SSC.

Dhanka kale waxaa ku soo biiray ciidama Jiida hore ee Widhwidh ciidamo ka tirsan Guutada Ismaaciil Mirre ee uu hogaamin jirey Kayse Cabdi Yuusuf. Ciidankan ayaa waxay maanta si rasmi ah uga qayb qaateen dagaalada Widhwidh ka soconaya, ilaa hada ma cada in uu taliyahoodii Kayse weheliyo ciidamada iyo inkale.

Isku soo wada duubo xaalada deeganada SSC ayaa gashay jawi colaadeed ayadoo ay muuqato talaabooyin muujinaya Hogaanka SSC uu dar dargelinayo hawlaha. Walow ay jiraan caqabado kale sidii arintii ka dhacday jiida hore ee ciidamo ka tirsan Xoogaga SSC ay uga baxeen furumaha ayagoo salka dhigay Tuulada Dan dan, ilaa hadana aan si rasmi ah loo ogeyn waxa sababay. Waxaana jira dedaalo kala gedisan oo ay wadaan Qurba joogta iyo waxgaradka SSC ee ciidamadaasi ka soo jeedaan kuwaasoo loogu soo celinayo jiidii ay kaga jireen difaaca dalkooda.

 

 

 
G, jamac.Dooha Qadar

     Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Oo Doha Qatar Lagu Soo Dhaweeyey.

Daawo Sawiradda

M sheekh shariif

     Madaxweyne Sheikh Shariif Oo Kusii jeeda dalka Masar

Read More..........

Last news SSC

   

Hogaanka SSC oo magacaabay Xisaabiye, Khasnaji Cusub Xilkiina ka qaaday Taliyihii Ciidanka.

Read More......

hamabalyo Hambalyo Dhalasho
Abwaan C/casiis Axmed Faarax

Halkan kala soco Abwaanka
Cusub ee reer Buuhoodle
C/siis Axmed Faarax

gabaydiisiina waa ku wan.

Darwiishland

Magacba ay 

XAABSADE

PUNTLAND

Somali Radio

BBC