wararkii ugu dambeyey

       Alshabaab iyo Ahlusuna Oo ku dagaalamay deegaanka tirsan gobolka Hiiraan

Read more

Ugaandha Kampala

     Xarakada Shabaab ayaa sheegatay inay qaaday weerarada qaraxyada ee ka dhacay magaalada Kampala ee waddanka Uganda, oo ay ku dhinteen in ka badan toddobaatan qof.

Read More....

Feed Display
No Feed URL specified.
Page-ka Abdi Bile
Cadadka booqashada

Adigu waxaad

tahay Booqde
nr

Banner

Wasiirka Arimaha Debeda Ee SSC Oo Soo Gaadhay Nairobi.

User Rating: / 0
PoorBest 

Waxaa galabta makhribnimadii soo gaadhay magaalada Nairorbi ee xarunta dalka Kenya Wasiirka Ariamaha debeda Ee SSC Pro: Mohamud Ali Jama

Wasiirka oo ka soo degay Gegida dayuuradaha ee caalmiga ah ee Jomo Kenyatta International Airport ayaa waxaa halkaas kaga hortagay Boqolaal ka tirsan shacabweynaha SSC ee ku dhaqan dalkan Kenya. Wasiirka oo ay soo dhaweyntiisa si weyn u qaban qaabiyeen gudidada Jaaliyada SSC ee Bartamaha iyo Bariga Afrika ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay gudida haweenka iyo Barbaarta gaashaaman ee SSC.

Wasiirka oo ka soo kicitimay magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia halkaas oo uu todobaadkii u danbeeyey hawlo shaqo u joogay, ayaa warbixin koobaan oo uu siiyey Saxafada SSC wuxuu ku sheegay in uu la kulmay madax sar sare oo ka tirsan xukuumada dalka Ethiopia ayna isla soo qaadeen arimaha SSC si wanaagsan isugu afgarteen.

Mar aan weydiiyey bal cida uu ka xusi karo madaxdii uu la kulmay ayuu sheegay Pro: Mohamud Ali Jaamac in uu la kulmay mas'uuliyiin ay ka mid yihiin Generaal Gebtra Dilla oo ah ergeyga gaar ah ee arimaha Soomaaliya u qaabilsan dalkaasi Ethiopia iyo wasiiro kale.

Wasiirku markii uu soo degayba wuxuu booqasho ugu tegay Garaad Jamaac Garaad Ismaaciil, wuxuuna ku soo booqday Hotelka uu ka dagan yahay Nairobi garaadku.

Pro: Jaamac waxaa lagu wadaa inuu dhawaan halkan kulamo kala duduwan kula yeesho Madax ka tirsan beesha Caalamka iyo dalalka daneeya arimaah Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale ka qayb geli doonaa shir weyne maalinta Khamiista ah lagu qaban doono Nairobi kaasoo shacabka SSC ee jooga Kenya ka soo wada  qayb geli doonaan hadii Alle idmo.

Sidoo kale waxaa ayana la sugaya madax kale oo ka tirsan Jaaliyadaha iyo aqoonayanada SSC kuwaasoo uu ka mid yahay Eng: Cali Xaaji Cigge oo ah Gudoomiyaha Jaaliyadda SSC ee Imaaraadka iyo kuwo kale

Last Updated (Tuesday, 20 July 2010 19:48)

 
G, jamac.Dooha Qadar

     Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Oo Doha Qatar Lagu Soo Dhaweeyey.

Daawo Sawiradda

M sheekh shariif

     Madaxweyne Sheikh Shariif Oo Kusii jeeda dalka Masar

Read More..........

Last news SSC

   

Hogaanka SSC oo magacaabay Xisaabiye, Khasnaji Cusub Xilkiina ka qaaday Taliyihii Ciidanka.

Read More......

hamabalyo Hambalyo Dhalasho
Abwaan C/casiis Axmed Faarax

Halkan kala soco Abwaanka
Cusub ee reer Buuhoodle
C/siis Axmed Faarax

gabaydiisiina waa ku wan.

Darwiishland

Magacba ay 

XAABSADE

PUNTLAND

Somali Radio

BBC