SSC Oo Gashay Warbaahinta Caalamka Iyo Tan Soomaalida Iyo Maamulka Maleeshiyada SNM Oo Ay Ku Noqotey Filanwaa
Run ahaantii waxaa xusid mudan iyo mahadnaq weriyaha lagu magacaabo Maxamed Cadow oo isagu ka tirsan warbaahinta Aljaazira qaybteeda afka ingiriisiga ku hadasha, muxuu ku mutaystey in loo mahadnaqo? Sidee bayse Shacabka ku abtirsada SSC u arkeen?
Sida igu maqaala ah markii uu weriye Maxamed Cadow uu soo gaadhay magaalada Hargeysa caasimada labaad ee soomaaliya, wuxuu isu diyaariyey sidii uu u soo booqan lahaa xarumahaa hogaanka SSC, balse maamulka jabhada maleeshiyada SNM waxay isku dayeen inay is hor tagaan qorshahaasi, oo aysan marna u ogolaanin inuu xog waafi ah ka keeno hogaanka SSC, iyo hadafkiisu wuxuu yahay.....
Dood dheer iyo wada hadal ka dibna, arrintu waxay u dhacday siduu doonayey weriye Maxamed Cadow oo ah shakhsi leh karti iyo aqoon saxaafadeed oo dhamaystiran. Hadaba maamulka jabhada maleeshiyada SNM iyo shacabkeedaba waxaa argagax iyo fajiciso ku noqotey xogtii rasmiga ahayd ee uu ka soo tebiyey Weriye Maxamed Cadow, oo si qeexan u bayaamiyay in shacabka SSC iyo hogaankooduba aysan ka tirsanayn maamulada hareeraha ka xiga, oo iyagu awal isku haysan jirey.
Hadaba hogaanka SSC intii uu dagaalada qadhaadh la galay maamulka jabhada maleeshiyada SNM, ee iyagu ku taamaya dhulbalaadhsiga iyo inay u dawladeeyaan qabiilooyinka deegaanadooda ku sugan, isla markaasina aaminsan midnimada iyo jiritaanka Soomaaliweyn, waxaa kor u sii kacay hadal haynta hogaanka SSC.
Waxaana dhawaanahanba laga maqlayey warbaahinta caalamka iyo weliba tan soomaalida hawlaha ay hayaan ciidamada SSC oo iyagu ku dhaartay inay gacantooda ku soo celiyaan dhulka daraawiisheed oo ayna huwanta uga tegin.
Naxdin iyo Sas Weyn Oo Soo Foodsaaray Warbaahinta Maamulka Jabhada maleeshiyada SNM
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa (habar dhalli wayday alleelo ku waalataye), dagaaladan qadhaadh ee ay isu taageen ciidamada SSC iyagoo isticmaalaya xeelahada iyo tabaha qorshaysan, maadaama hadafkoodu yahay inay dhulkooda ka safeeyaan huwanta iyo horgalada dayeysan, ee ay sandareeradu madax martay, misana warbaahinta maamulka Jabhada maleeshiyada SNM, waxay meel walba kaga hadaqayaan ‘Waa in dacwad lagu furaa Weriye Maxamed Cadow’ marka xaalkoodiiba wuxuu isugu soo biyo shubtay maahmaahdaasi aan soo xusnay......
Sidoo kale waxay ku fashilmeen isku daygoodii ahaa weriye Maxamed Cadow inuusan marna aadin baraha ay ku sugan yihiin ciidamada SSC, sababtoo ah waxay aad uga baqayeen inuu ku dilaaco xaqii ay afka hayeen, oo marka afka la qabto feedhaha ka dillaaca.
Warbaahinta maamulka Jabhada maleeshiyada SNM iyo shacabkeeda ee ay caadifada iyo ciilqabku hadheeyey, waxay dhawaan duullaan ku qaadeen Cabdiqaadir Nadaara oo ka mid ahaa weriyayaasha ugu cadcada talafeeshinka Universal, iskana lahaa barnaamijkii Xogwaran ee uu mar ku marti qaaday qaar kamid ah madaxdii jaalliyadda SSC ee wadanka Ingiriiska, kuwaasi oo ku soo bandhigay hadafka iyo himilada hogaanka SSC.
Arrintaasina waxay si ba’an uga cadhaysiisey shacabka maamulka jabhada maleeshiyada SNM, run ahaantiina barnaamijkaasi wuxuu ku noqday sas iyo filanwaa, waxaana u cadaatay shacabka daraawiisheed inay marayaan meel aan laga soo celin Karin, maantana ay rag iyo dumarba ka go’an tahay inay dhulkooda soo ceshadaan maamul ay umadax bannaan yihiina ka qotomiyaan.
Cabdiqaadir Nadaara si looga baaciyo xarunta talafeeshinka Universal waxay la kulmeen mulkiilaha talafeeshinkaasi, isna wuxuu fuliyey waxyaabihii ay ku khasbeen, sababtoo ah waxay kala dooran siiyeen inay dhaqaalahooda ka gooyaan iyo inuu u hogaansamo waxay doonayaan, sidaas buuna tooda ku yeelay. Hadaba arrintu way ka weynayd Cabdiqaadir Nadaare, waxaanay salka ku haysey sidee bay beesha SSC madaxa ula soo kacdaa, warbaahintana u soo fadhiisataa.... cajaa’iib sow maaha?!!!
Intaasi markaan ku dhaafo xaalkii ninkaasi ay u itaalka sheegteen, dhamaan shacabweynaha reer SSC waxaan u sheegayaa ‘maanta waxaan gaadhnay in warbaahinta caalamka qaarkeed aynu galno, waana inaynu ku dadaalna inaynu tiigsano warbaahinaha kale ee caalamka, si aynu qadiyadeenna u gaadhsiino heer caalami, oo la inoogu soo joogsado.
Gunaanadkii hawlaha ay hogaanka SSC iyo shacabkooda gudaha iyo dibaduba ay gacanta ku hayaan waa kuwo lagu diirsan karo, waxaana loo baahan in aan dheg jalaq loo siinin warbaahinta maamulka Jabhada maleeshiyada SNM, oo isagu haatana ku guuldaraystey inay argagaxiso ku sheegaan hogaaka SSC... Iyagoo doonaysa inay shaambadaasi yar ee raqiiska ah caalamka ku indha saarcaadiyaan, xitaa itoobiya ayaa wax ka dhagaysan jirtoo SSC waa argagaxiso, way ka rumaysan wayday........
Alshabaab iyo Ahlusuna Oo ku dagaalamay deegaanka tirsan gobolka Hiiraan
Xarakada Shabaab ayaa sheegatay inay qaaday weerarada qaraxyada ee ka dhacay magaalada Kampala ee waddanka Uganda, oo ay ku dhinteen in ka badan toddobaatan qof.

04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
Madaxweyne Sheikh Shariif Oo Kusii jeeda dalka Masar




