Ciidamo Hor leh oo Lo Dirayo Dalka Soomaaliya
Hogamiyaasha ururka Midowga Africa oo dalka Uganda hada ku kulansan ayaa isku raacay in ay ciidamo dheeraad ah u diraan dalka ay dagaalada aafeeyeen ee Somalia si ay u kabaan kuwa hada ku sugan Muqdisho ee AMISOM.
Madaxda AU oo uu shirweyne uga socda magaalada Campala ayaa ogolaaday in 2,000 oo askari oo sheeraad ah lagu kordhiyo ciidamada AMISOM ee dagaalada kula jira ururka Al Shabaab ee Somalia.
Sharciyada dagaalka ayaa la badali doonaa iyadoo ciidamada loo ogolaan doono in ay xabado ku furaan hadii ay wajahaan weeraro dhaqso ah, waxaa kale oo ay qaadi doonaan howlgalo amaan sugid ah sida lagu yiri bayaan kasoo baxya madaxda.
Dhawaan madaxweynaha dalka Uganda President Yoweri Museveni ayaa sheegay in loo baahanyahay in la tir tiro ururka Al Shabaab ka dib marki ay sheegteen Xarakada Shabaabul Mujaahidiin weeraro bambaano oo lagu dilay ku dhawaad 70 ruux oo Ugandes ah kuwaas oo ka dhacay magaalada Kampala.
Hase yeeshee baaqiisii ahaa in AMISOM ay dagaalo ku qaadaan Al Shabaab meysan aqbalin madaxda Africa laakin waxa ciidamadu ay qaadayaan talaabooyin wax looga qabanayo amaanka.
Dhawaan ururka Igad ayaa ku dhawaaqay in ay Soomaaliya u dirayaan ciidamo ka bar bar dagaalama kuwa Midowga Africa kuwaas oo ka qeyb galaya dadaalada amaan sugida ee Soomaaliya. gaar ahaana ku kasoda magaalada muqdisho oo marba marka kadan baysa sii xoogaysanaya.
Allcayn
news
Buhodle
somaliya
Alshabaab iyo Ahlusuna Oo ku dagaalamay deegaanka tirsan gobolka Hiiraan
Xarakada Shabaab ayaa sheegatay inay qaaday weerarada qaraxyada ee ka dhacay magaalada Kampala ee waddanka Uganda, oo ay ku dhinteen in ka badan toddobaatan qof.

04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
Madaxweyne Sheikh Shariif Oo Kusii jeeda dalka Masar




