Xagee Looga gacan haadiyey xidigii kooxda real madrid iyo spain ee Raul
Xidigii hore ee xulka Spain Raul ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu ka tagay kooxda Real Madrid kadib 18 sanadood oo uu ka tirsanaa, isaga oo hada ku sii jeeda horyaalada Jarmalka iyo Ingiriiska midkood.
Ninkan 33 jirka ah ayaa la filayey in uu ku biiro naadiga Schalke ee dalka Jarmalka hase yeeshee wuxuu sheegay in hada uu kaga dhawyahay kooxo ka dhisan Premier League Ingiriiska.
" Waxaan la yeeshay Schalke wada hadalo qoto dheer laakin waxaa jira kooxo kale oo i xiiseynaya, mustaqbalkeyga hada waxa uu yaalaa Germany or England," ayuu yiri.
Raul ayaa u saxiixay kooxda Real 323 goals 741 kulan oo uu u ciyaaray, dhanka xulka Spain hadii aan eegno waxa uu u saxiixay 44 gool 102 kulan oo uu ciyaaray.
Goolahaashi badan ayaa ka caawisay in uu noqdo mid ka mid ah halyeeyada kooxda ka dhisan garoonka Bernabeu, waxa uu kooxda Real kusoo biiray sanadi 1992 - kulankiisi ugu horeeyey waxa uu saftay ciyaar ay la qaateen kooxda Real Zaragoza October 1994 waxa uu xiligaasi Raul jiray 17.
Allcayn news
buhodle
somaliya
Alshabaab iyo Ahlusuna Oo ku dagaalamay deegaanka tirsan gobolka Hiiraan
Xarakada Shabaab ayaa sheegatay inay qaaday weerarada qaraxyada ee ka dhacay magaalada Kampala ee waddanka Uganda, oo ay ku dhinteen in ka badan toddobaatan qof.

04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
Madaxweyne Sheikh Shariif Oo Kusii jeeda dalka Masar




