Golaha Amaanka ee qaramada midoobay oo sheegay in la dadajiyo ciidamada loogu deeqay soomaaliya
Golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa midowga afrika ugu baaqaay in ay dadajiyaan ciidamada ay sheegeen in loogu deeqay dawlada soomaaliay si ay u xoojiyaan kuwa soomaaliya ka jooga dalalka burundi uganda ee ku shaqeeya magaca AMISOM.
xoghayah guud ee qaramada midoobay Bank-moon ayaa kula taliyey madaxda midawga afrika in ay si dag adg ah u kordhiyaan ciidamada hada ka jooga dalka soomaaliya ee ku hawl gala magaca AMISOM kuwaas oo hada dagaalo kula jira xaagaga hubaysan ee ku kacsan dawlada ay hogaaminayaan madaxmayne shiriif iyo raysul'wasaare sharmaarke,
Afhayeen u hadlay golaha amaanka ee qaramada midoomay oo lagu magacaabo Martin Nasrik ayaa war uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in warka kasoo baxay midawga afrika uu yahay mid aad u qiimo badan ayna soo dhowaynayaan dhankooda laakiin loo baahan yahay buu yiri inj uu go'aan kaasi noqdo mid aan laga cidi jiidin ee hada ciidamada loo diro soomaaliya si ay u caawiyaan kuwa hada jooga magaalada muqdisho,
gees kale waxaa uu sheegay afhayeen in looga baahan in ciidamada loo diray soomaaliya in noqdaan kuwo dalka kusoo dabaala nabad iyo kala danbayntii ka jirtay dalka soomaaliya mudo hada laga joogo 20'sanadood
Hadalkaani ayaa ku soo aadayaa xili Qaramada Midoobay dhawaan ay ku baaqday in aan la badalin sharciga ciidamada Midoga Afrika ay ku joogaan Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya.
Axmed maxamed nadiif
Allcayn news
Buhodle
Soomaliya
Last Updated (Wednesday, 28 July 2010 10:04)
Alshabaab iyo Ahlusuna Oo ku dagaalamay deegaanka tirsan gobolka Hiiraan
Xarakada Shabaab ayaa sheegatay inay qaaday weerarada qaraxyada ee ka dhacay magaalada Kampala ee waddanka Uganda, oo ay ku dhinteen in ka badan toddobaatan qof.

04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
Madaxweyne Sheikh Shariif Oo Kusii jeeda dalka Masar




