Dawlada soomaliya oo sheegtay in weerar ku qaadi doonto magaalada baladwayne
Saraakiisha dowladda KMG Soomaaliya ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in saacada soo aadan ay la wareegi doonaan gacan ku heynta Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.
Taliyaha Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee gobolka Hiiraan Axmed Cusmaan Cabdule Inji oo wareysi siinayay galabta qarkamida warbahinta ayaa sheegay in ay soo gaba gabeeyeen abaabulo maalmihii la soo dhaafay ay wadeen oo ku aadaanaa sidii ay ula wareegi lahaayeen gobolka Hiiraan.
Axmed Cusmaan Cabdule Inji waxaa uu sheegay in ay soo gaareen ciidamo farabadan oo uu sheegay in ay kaga yimaadeen magaalooyinka Feer Feer iyo Mustaxiil ee dhulka Soomaalida ee Ethiopia ay Maamusho, waxaana uu tilmaamay in saacadaha soo aadan ay gacanta ku dhigi doonaan Magaalada Baladweyne oo ay haatan ku suganyihin Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada maanta soo gaaray isgoyska Kalabera ay iyagu horey u dalbadeen, waxaana uu intaasi ku daray in saraakiisha dagaalka horkici doonta ay noqonayaa xildhibaano ka tirsan dowladda KMG iyo gudoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.
Waxaa uu tilmaamay in ay u yeerteen dadka shacbka ah ee ku nool magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan kadib markii sida uu hadalka u dhigey ay u adkeysan waayeen dhibaatooyin uu sheegay inay ku hayaan ciidamada Maamulka Al Shabaab.
Lama oga qaab sahlan ciidamada dowladda ay kula wareegi doonaan magaalada Baladweyne maadaama halkaasi ay gacanta ku hayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo horey ciidamada dowladda uga saaray magaalada Baladweyne.
Majiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Maamulka Al Shabaab ee gobolka Hiiraan, hase ahaatee dhankooda Al Shabaab waxaa ay wadaan howlgalo ay ugu diyaar garoobayaan dagaalka ay soo wadaan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya
allcayn
news
Alshabaab iyo Ahlusuna Oo ku dagaalamay deegaanka tirsan gobolka Hiiraan
Xarakada Shabaab ayaa sheegatay inay qaaday weerarada qaraxyada ee ka dhacay magaalada Kampala ee waddanka Uganda, oo ay ku dhinteen in ka badan toddobaatan qof.

04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
Madaxweyne Sheikh Shariif Oo Kusii jeeda dalka Masar




