Hogaanka SSC oo Maamul umagacaabay Gobolka Cayn(Daawo Sawiro)
Munaasabadloo ay ka soo qayb galeen Hogaanka SSC Somalia, Isimado, Siyaasiyiin iyo Waxgaradka ayaa manta ka dhacday magaaladda Buhoodle,ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay Afhayeenka SSC Axmed Gac mayare oo ka warbixiyey sababaha keenay Maamulka SSC ee xiligan sidoo kalena waxa uu Axmed Akhriyey Xubnaha Maamulka Gobalka iyo kan degmadda, isaga oo ugu danbayntiina xubnahaas dhaariyey.
Gudoomiyaha Gobalka Cayn ee SSC Cabdirisaaq Muuse Faarax ayaa ku dhawaaqay in ay maamulkoodu noqon doono mid dadka deegaanka gaadhsiiya goboladda ku xaydaaman waxana uu ka dhawaajiyey In aysan ogolaan doonin shakhsiyaad taytal wata isla markaasna maamulka cayn sheeganaya maamulo kale u adeegaya. 
Cabdirashiid Barkhadle Warsame ayaa sheegay in Maamulkan uu yahay mid Buuhoodle laga magaacabay loona Macaabay reer Buuhoodle, Barkhadle waxa uu xubnaha maamulka cusub ugu baaqay in ay dhinac horumarka u dheereeyaan maadaama ay yihiin dad dhalinyaro ah.

Hogaamiyaha SSC Somalia Dr Saleebaan Ciise Axmed ayaa faray xubnahan loo magacaabay maamulka in ay ka shaqeeyaan Nabad galyadda iyo Horumarka Gobalka Cayn , Hogaamiyuhu waxa uu sheegay in qof madax kaaga fadhiya aysan macquul ahayn in aad wada hadashaan wada hadalka SSC iyo SNM-tana waxa uu ku xidhan yahay Ciidamadda Somalidiidka oo ka baxa deegaankayga.
Garad Jama Garad Cali waxa uu sheegay in manta ay tahay maalin taariikhi ah ayna la mid tahay maalinkii uu Cabdilaahi Suldaan Tima cadde uu lahaa kana sib kana saar.
Garadku waxa uu sheegay in Isimadda SSC ay samaysteen Hogaan maamul kaasuna wixii xaajo ah uu u xilsaaran yahay balse iyagu ay yihiin ISimo,Garad Jama Waxa uu sheegay in SSC ay tahay wax lagu farxo balse aysan ahayn wax la isku Eedyo ayna tahay wax aanu ku qanacsanahay hadii aanu nahay dadka SSC.
Digreetadii maamulka Gobalka Cayn iyo degmadda Buuhoodle waxa ay u qornayd sida tan :’

Xafiiska Hogaanka Badbaadada iyo Midnimada SSC SOMALIA. N.0016
Ujeedo Dhismaha Maamulka G.Cayn:
Anagoo tix galinayna daruufaha uu Gobalku ku jiro, Anagoo ixtiraamayna baahida ay dadweynaha Gobalka cayn u qabaan in Maamul ay iyagu lee yihiin loo dhiso.. Aniga oo kala tashaday qaybaha Bulshadda Gobalka Cayn sida madax dhaqameedka, cuqaasga iyo bulshada inteeda waxgaradka ah. Waxaan u magacaabay sedan.
Gobalka Cayn Gudoomiyaha Gobalka Cayn Cabdirisaaq Muuse Faarax Gudoomiye
ku xigeenka Gobalka Cayn Cabdi Xaafid Cali Saleebaan Isuduwaha Gobalka Keyse
Cali Jaamac Xoghayaha Dawladaha Hoose Cabdi Jaamac Jiis Degmadda
Buuhoodle Duqa Degmadda Buuhoodle Axmed Ibraahim Kaarshe Ku xigeenka Duqa
Degmadda Mustafe Xuseen Jibriil
Alshabaab iyo Ahlusuna Oo ku dagaalamay deegaanka tirsan gobolka Hiiraan
Xarakada Shabaab ayaa sheegatay inay qaaday weerarada qaraxyada ee ka dhacay magaalada Kampala ee waddanka Uganda, oo ay ku dhinteen in ka badan toddobaatan qof.

04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
Madaxweyne Sheikh Shariif Oo Kusii jeeda dalka Masar




