|
|
Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida Oo Xukun Dil Ah Ku Fulisay Askar Ka Tirsaneyd Ciidammada Dowladda

Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Askar ka tirsaneyd Ciidammada Qalabka Sida kuwaasi oo horey falal dil ah u geystay.
Ciidammadan maanta xukunka dilka ah lagu fuliyey ayaa tiradoodu waxa ay gaareysay Afar Askari waxaana ay ka kala tirsanaayeen Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya.
Goobta Askartan lagu toogtay ayaa ah Iskuuul Boliisiyo waxaana kasoo qeybgalay Taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed General Shariif Sheekh Unaa Maye, Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidammada General Xasan Maxamed Xuseen Muungaab,Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Banaadir iyo saraakiil kala oo Ciidammada ka kala tirsan.
General Xasan Maxamed Xuseen Muungaab Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo saxaafadda u faah faahiyey xukunkan ay fulisay Maxkamadda Ciidammada ayaa tilmaamay in askartan maanta toogashada lagu fuliyey ay horey dil ugu geysteen Askar kale iyo shacab xukunkan lagu fuliyeyna loo cuskaday Shareecada Islaamka iyo xeerka Ciqaabta Ciidammada Qalabka Sida.
Sidoo kale Taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed General Shariif Sheekh Unaa Maye oo isna dhankiisa saxaafadda kula hadlay goobta xukunkan dilka ah lagu fuliyey ayaa tilmaamay in xukunkan uu qeyb ka yahay hirgelinta cadaalladda islamarkaana ay talaabadani gacan ka geysan doonto in Ciidammada Dowladda ay shacabka ku xad gudbaan.
Horey ayey sidoo kale xukunno dil ah ugu fulisay Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya Askar ka tirsan Ciidammada Dowladda oo iyagu horey dilal u geystay waxaana dad badan ay u arkaan fulinta xukunnada noocaan ah oo shareecada Islaamka loo cuskado ay qeyb weyn ka qaadan doonto sugidda Ammaanka.
Last Updated (Thursday, 19 July 2012 20:33)





















Dhamaan waad mahadsantihii










