|
|
Agaasimaha Wasaarada Arimaha Gudaha Ee Maamulka Khaatumo State

Waxaan wareysi la yeelanay Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Arrimaha Gudaha maamulka Khaatumo State Maxamud Sheekh Cumar, Agaasimuhu wuxuu tacsi ugu heryn u dirayaa eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen labadii wiil shalay ku dhintey shilkii ka dhacay magaalda Garowe.
Hadaba intaasi kadib wuxuu agaasimuhu noo sheegay in uu dhaci doono xiligii kala guurka ee 6bilood ee lasoo dhaafey ee maamulka Khaatumo State, Yadoo maalinta bari ah xilka madaxweyne nimo ee maamulka Khaatumo State Of Somalia lagula kala wareegi doono magaalada taariikhiga ah ee Taleex.
Sidoo kale agaasimuhu wuxuu faah faahin yar ka bixiyey waxqabadkii 6bilood ee lasoo dhaafey, Yadoo agaasimuhu sheegay in wax badan maamulku soo qabtey bilood ee lasoo dhaafey, Hadana loo diyaar garoobi doono 6bilood ee soo socda yadoo ay xilka la kala wareegi doonaan Madaxweynihii hore ee maamulka Khaatumo State Of Somalia Axmed Cali Cilmi iyo Madaxweynaha hada xilka qaban doona oo ah Maxamed Yuusuf Jaamac.
Sikastaba ha ahaatee agaasimaha ayaa warbaahinta Midnimossc u sheegay in si toosa xilka loola kala wareegi doono maalinta bari ah yadoo madashuna ay tahay magaalada taariikhiga ag ee Taleex ahna caasimada maamulka Khaatumo State Of Somali.
Hadaba Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Aanu La Yeelanay Agaasimaha
Last Updated (Sunday, 22 July 2012 18:51)





















Dhamaan waad mahadsantihii









