|
|
Al Shabaab oo wada xasuuqa ay dadka soomaaliyeed ku wadaan weli

Maleeshiyada Al-Shabaab ee magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada hoose ayaa lagu soo waramayaa in ay maanta meel fagaare ah ku toogteen saddex nin oo ay ku eedeeyeen in ay u basaasayeen dowladaha Mareykanka iyo Britain. Saddex qof ee la toogtay ayaa lagu kala magacaabi jiray Isxaaq Cumar Xasan, Yaasiin Cumar Axmed iyo Mukhtaar Ibraahim Axmed.
Horjoogaha al-Shabaab ee Shabeellada hoose uga wakiilka ah maxkamadeynta, Cabdulxaaq ayaa ku eedeeyey Isxaaq Cumar Xasan iyo Yaasiin Cumar Axmed in ay dowladda Mareykanka u fududeeyeen dilkii loo geystay Bilaal Al Berjaawi iyo horjoogayaal kale oo ajinebi ahaa oo horaantii sanadkan lagu dilay deegaanka Ceelasha Biyaha.
Ninka kale ee ay kooxda al-Shabaab dishay waxay ku eedeeyeen in uu ahaa basaas u shaqeeyo xukuumadda Britain, hase yeeshee goob-joogayaal ayaa sheegay in uu ninkaas muddo kooban joogay magaalada Marka, kana yimid Hargeysa.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Al-Shabaab toogtaan dad ay basaasnimo ku eedeeyeen, dhowr mar oo hore ayaa deegaannada ay gacanta ku hayaan ay ka dhacday arrintan oo kale.
Last Updated (Monday, 23 July 2012 08:02)





















Dhamaan waad mahadsantihii









