|
|
Golaha ansixinta dastuurka ayaa maanta soo gebgabeeyay doodihii ay kayeelanayeen qodobada Qaar ee dastuurka

Golaha ansixinta dastuurka ayaa maanta soo gebgabeeyay doodihii ay kayeelanayeen qodobada Qaar ee dastuurka iyadoo ay gudiyadu isku raaceen qodobada ugu adag ee dastuurka. Gudiyada ka koobnaa 10-ka qeybood ee ka doodayay mudada 3-da cisho mowduucyada qaar ee uu ka koobanyahay Dastuurka Soomaaliya ayaa maanta soo gebegebeyay, waxaana qeyb ka mid ah gudigaasi ay soo jeediyeen in Muqdisho ay tahay caasimada dalka dastuurkana lagu qoro,sidoo kale waxaa ay soo jeediyeen in shareecada Islaamka lagu dhaqo maxkamadaha Dalka illaa heer gobol iyo degmo.
Sidoo kale qodobada ay soo jeediyeen gudigaasi waxaa ka mid ahaa qodobka gudniinka gabdhaha oo ay talo ku soo jeediyeen in gudniinka Fircooniga uu yahay xaaraan isla markana gabdhaha lagu gudo qaabka Sunnada ah,sidoo kale waxaa ay soo jeedyeen in diinta islaamka aan laga bixi Karin.
Ergada oo mudo 3-cesho ah ka doodayay qodob dhowr ah ayaa waxaa ay isla garteen qodobka ka hadlaya maamul goboleedyada dalka oo ay talo ku soo jeediyeen in dowlada goboleed aan loogu yeerin maamulada dalka ka jira ee lagu magacaabo maamul goboleed dastuurkana lagu qoro ayna hoos tagaan maamulka ka jira dhulka dowlada dhexe ee Soomaaliya.
Kulanka soo gabagabenta ah ee qodobada laga doodayay ayaa waxaa ergada ansixita dastuurka qabyo qoraalka kala qeyb galay qaar ka mid ah golaha wasiirada xukumada Soomaaliya.





















Dhamaan waad mahadsantihii








