|
|
Qarax Lala Beegsaday Guriga horgale laha cusub Maayarka Magaalada Laascaanood Cadaab cele wuu dhaawacmay uun.

War hadda nagasoo gaaaadhay magaalada Laascaanood ayaa sheegay in caawa qarax ka dhacay guriga Maayirka,maamulka SNM ee Laascaanood, Tuug horgale Faarax Cabdi yare. Qaraxan oo la sheegay inuu ahaa nooca Bambada ayaa lagu tuuray gudaha guriga Maaayirka oo isagu dhowaan xilka maayirnimada loo magacaabay.
Weli Lama shaacin khasaaraha ka dhashay qaraxan caawa, waxase jira warar sheegaya inay jiraan dad dhaawac gaadhay. waxaana gudaha magaalada laga maqlayaa dhawaaqa rasaasta.
Maaha markii ugu horeysay ee qarax lala beegsado wakiilada maamulka SNM ee Gobolka Sool. iyadoo hore qaar kamid ah loogu weeraray qaraxyo noocan oo kale ah.
Last Updated (Thursday, 02 August 2012 13:13)





















Dhamaan waad mahadsantihii









