|
|
Xumo toosiye iyo xaqudirir waa tix gabay ah oo u garnaqaysa labadaa nin ee kor ku xusan.
1 xuduudbaa murtidu leedihiyo xadiyo miisaane
2 xigmaduu ilaahay baxshaad xulato weeyaane
3 teeriyo xagaagii hayuu xiliga saarraaye
4 hadba kaan u xadantoonayaad igu xujaysaane
5 anna gabaygu waa ii xigtiyo xoolo ii dhaqane
6 xerya gaalladiisaa ku yaal xabadka feedhaye
7 xanna maaha ee kaygu waa xayga ka caddeeye
8 xiddiggiisu meeshuu hayaa lagu xariiraaye
9 ninna lagama xaasido hadday xaqisu yeeshaane
10 balaan xiinfiniin baa sidee xoogu orodsiiyo
11 nin xigaalki iibsaday ma geyo xiliyo maamuuse
12 xaajada ninkii mudani waa xiiso ku addeece
13 mar hadduu xuluulayste yahay waa xumboo madhane
14 xogta cadawga kaagama filliyo xeesha loo dego,e
15 xaglatoosiyoow haygu noqon xaabsadoo kale,e
16 isaguba lafbuu xaganjiroo xuubki ka idlaaye
17 xuurtuna hadday yeedhaysaa xawlmariidada,e
18 xanuunkiyo ma dayn baahiduu xaadiskaw galaye
19 adiguna xabaal kaa yarbaad xiimayaw tahaye
20 xaglatoosiyoow haygu noqon xaabsadoo kale,e
21 xildhibaannadii horeba waa xaaluf daaq weliye
22 xamse gaaddawayniyo fu,aad xadhiggu naafeeye
23 xarafiyo dumbuluq bay miduun xawse ku cabbaane
24 xirsi kuma basaaseen halkay xalay u hoydeene
25 xudduniyo shaxdii bawga roon xayma la agjooge
26 xalin iyo taleex bay ahayd xoruga sheekeeye
27 ninna kuma xaduureen berdaha xaadhan caliyoowe
28 xukun dawlad iyo maammul waa xamar la daaweeye
29 ninka xaafad reer kale galaa waa xasarad doone
30 xaglatoosiyoow haygu noqon xaabsadoo kale,e
31 siday qaybe ula xaalayaan waa xanuunsadaye
32 xididdada jidhkaan uga naxiyo xuubka oogada,e
33 xayliyo sidaa uma galeen xabashigiisiiye
34 xeerkii adduunyada u yiil kuma xaq dhawraane
35 xayraan qayilay baan nin raga xaayaw ka aqoone
36 xaglatoosiyoow haygu noqon xaabsadoo kale,e
37 taariikhda xalanaad ahayd xuma ka dheeraaye
38 xariir buu ahaa magaci shalay xarunta kuu yiile
39 waatay gu,wayn kugu xuseen xiin yaqaannaduye
40 hadduumbaad xajiin iila timi xaniyo laaluushe
42 xaglatoosiyoow haygu noqon xaabsadoo kale,e
43 sidaan kuu xayaysiinayaan xiiqay berigiiye
44 waataan xabeebsaday inaad xaas walwaal tahaye
45 ragna waaba igu xaasideen ximin daraaddaaye
46 maantana xammaal suuqle iyo xabagle kaa roone
47 xaglatoosiyoow haygu noqon xaabsadoo kale,e
48 xaloo naylahaa lagu dhahaa xaaxana idaaye
49 xangeeyada marbay daaqayaan xoolo baahaniye
50 xagla,oloshay geelaba marbay ka xigsimootaaye
51 xanto subaga haw eexaniyo xaydho tuuga,ahe
52 xaglatoosiyoow haygu noqn xaabsadoo kale,e
53 xininyaha rag kaa siibayaa xaashi kuu qoraye
54 xaska ina cambaashiyo galeen xoonta bahalawday
55 mar haddaad xidhiidh yeelateen xulufa ceebawday
56 xubbigiyo jacaylkaagu waa xariyo waabaye
57 xaglatoosiyoow haygu noqon xaabsadoo kale,e
Last Updated (Friday, 03 August 2012 06:05)






















Dhamaan waad mahadsantihii










