|
|
Aragtida media DDSI oo yidhisidan, Waa Gardaro Cad iyo Dulmi aan la qarsanayn weerarada Somaliland ku wado Ismaamulka Khaatumo iyo Deeganada Hoosyimaada. (BY. Yaasiin cabdi Jire Abaaqaroow

Sida aan la wada socono, ismaamulka Somaliland markii ay tashadeen ee ay yidhaadeen waxaanu nahay dawlad gooni isu taagtay,Ummadda soomaaliyeed wax weerar ah kuma soo qaadin lamana odhan ma tashan kartaan.
Halkooda ayaa lagu ixtiraamay,waxaana la isku raacay in aan wax dhibaato ah loo geysan ummaddaas,lana dhawro dareenkooda iyo halka uu gaadhsiiyo.
Maanta in ay yidhaa
daan Ummad iyaga la mid ah ama ka badani ma tashan karaan Ismaamulna ma saymaysan karaan,waa Mid Subxaana alla.
Waxgaradka ku Abtirsada Deegaanadaasi dib ha uga fiirsadeen falalkan ka dhacaya ee aan Munaasibka ahayn iyo dhiigan Gardarada lagu daadinayo.
Waxaan ku soo koobayaa Waxaad idinku diideen dadka in aad ku qasabtaan wax la qaadan karo ma aha.

Yaasiin cabdi Jire (Abaaqaroow)
Last Updated (Monday, 13 February 2012 08:40)


















Dhamaan waad mahadsantihii







