|
|
Xog la ogyahay SNM nagu kala furfurimayso.
Waxaa ayaamahan dambaba soo kordhayey dhaqdhaqaaqa siyaasadii iyo kuwo ciidan oo ay SNM-tu ka wado gobolka cayn Khaatumo state, dhaqdhaqaaqaas oo ku xidhnaa shirka London iyo najiidada ka soo baxda.
Waxaa shalay ahayd maalin ay SNM quusatay 2012-02-23. Waa maalin ay rajeenayeen in ay wax weyn ku qaybsadaan sida hadii ay aqoonsi heli lahaayeen in ay dhulka Khaatumo oo dhan dagaal ku qaadaan, hadii ay taas waayaana ay shacabkooda ugu sheekeeyaan nabad baan idiinka sidnaa dhulbahante, ciidamadiina waanagaas kasoo qaadnay.
Marka taas iyagoo maraya jidkeedii ayey, hadana ka marin habaabeen habkii ah u soo mari lahaayeen, taas oo ahayd in ay u soo maraan maamulka cusub ee Khaatumo state of Somalia Iyo cuqaasha deegaanka. Mana aysan samayne waxaay sitoos ah ula soo xidhiidheen cuqaalbada oo ka soo jeeda gobolka cayn Khaatumo state. Niman isku tilmaamayey dhanka khadka telefonka in ay yihiin wasiiro ka tirsan SNM land, ku waas oo odayaasha ka cadsaday in ay dhahaan waxaan qaadanay nabada taas oo ay leeyihii hadii aad qaadataan nabada waxaan idinka dulqaadaynaa ciidanka.
Taas oo aan xumayn laakiin nabadu waxay ku xirantahay in SNM ay kabaxdo dhamaan dhulka Khaatumo state of Somalia.
Habka geedi u socodka nabadana ay u soo maraan habsan oo heersiyaasadeed waayo maanta dhulka SSC waa dhul maamul leh. Khaatumo state waa dhul leh siyaasiyiin madax iyo cuqaal intaba. Waanu danaynaynaa nabada awalkii horena iyagaa dagaal anagu sooqaaday ee anagu kumaanu qaadin. Somalidiidka ee iyagaa nagu soo qaaday dagaal ay ku qabsadeen dalkayaga intiisa badan, hadana hadii ay noogabaxaan dalkayaga wax dagaal ah khaatumo mawado.
Nabad iyo deris wanaag ayaan illaalinaynaa. Laakiin inta ay haystaan dhalka wax nabad ah lama gelayno mana ogelin in ay lasoo xiriiraan cuqaal kana saxeexdaan nabad laga yidhi telefon. SNM waa in ay soo fadhiisataa gole loo dhan yahay markhaatiyaalna joogaan. Xadkana lakala adkaysto.
Nabadna lakala saxeedo. Laakiin telefon baan kaaga saxeexayaa waxaas. Anagu hadaan nahay khaatumo state of somalia waanu qaadacnay mana rabno in ay la soo xiriiraan cuqaashayada, iyagoo isku tilmaamaya wasiiro dhankooda, wasiir wasiir baanu u leenahay,siyaasi, siyaasibaanu u leenahay maanta iwm. SSC maanta Waa Khaatumo state of Somalia jiritaankeeduna waa muqadas.
Nabaduna waxay ku xirantahay in SNM kaxabdo wadanka oo dhan inta ay taako dhulkayaga ah haystaan nabadi waa cirka.
(((A:A Shaxda Allcayn.com)))
Last Updated (Friday, 24 February 2012 07:57)





















Dhamaan waad mahadsantihii










